Dil La Rabey In Lagu Qaarijiyo Mukhtaar Roobow oo Fashil Ku Dhamaaday Kadib Kolkuu Askari Katirsan Ilaaladiisa Is Hortaagay

0
79

Faah-faahino ka soo baxaya shaqaaqo sababtay dil oo xalay ka dhacday guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli si sharci daro ah ugu xiran dowladda, kadib markii 2018-kii laga soo qabtay magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in dil loo geystay mid ka mid ah askartii ilaalada ka heysay gurigaasi, kaasoo uu dilkiisu fuliyey askari kale oo aan ka tirsanayn waardiyeyaasha.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaasoo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida ee illaalada ka heysay xabsiga guriga la geliyay Roobow.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex-galay askariga la dilay iyo midka wax dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askariga geystay dilkaasi.