Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

0
128

Inaalilaahi wa inaa ilheyhi raajicuun Prof. Salim Aliyow Ibrow, Reysal wasarihii Hore Prof. Ali Mohamed Geedi, Prof. Abdiladhif Mohamud Abdi, Suldan warsame Suldan Ibrahim Suldan Aliyow Suldan Ibrow waxaa ay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan dhamaan Umada Somaliyed gaar ahaan Reer Shabeelaha Hoose iyo Reer Hiiraan waxeyna uga tacsiyeynayaan geeridii ku timid Marxuum Abdi Salaat Daahir oo ku geeryooday dalka Sweden.

Wexey kaloo tacsi taas la mid ah halkan uga dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey marxuunka wexeyna leeyihiin janadii fardowza ilaaha haka waraabiyo qabrigiisana ilaahay waasac ha uga dhigo Amiin Amiin.

Waxeyna Alle ugu baryayaan inuu naxariistii jano Alle kawaraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo, Marxuun Abdi Salaat wuxuu ahaa Walaal iyo Saxiib qaali nagu ahaa lahaana karti iyo hufnaan wax badana ka geystay dib u dhiska Dowlada iyo midnimada Soomaaliyeed Alle haka jiseyo misankiisa aaqiro allaha ugu daro.