Xukuumada oo Canshuur Dhaaf u Sameysay Ganacsatada Cunada Daruuriga

0
65

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey canshuur dhaaf ay u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid19.

War kasoo baxey Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay ay kamid yihiin Bariiska iyo timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, iyo Burka iyo saliidda oo loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%.

Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya 15ka Abriil, 2020 oo Maanta ku beegan, si aysan saameyn ugu yeelan maciishadda xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.