Ciidamada Mareykanka iyo Dowlada oo Beeniyey Inay Dad Shacab ah Ku Dileen Degmada Janaale

0
43

Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka hadlay weerar 10-April-2020 ka dhacay duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose ee Koofurta Soomaaliya. Weerarkaas oo la sheegay in dad rayid ah ay wax ku noqdeen.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo bayaan arrintaasi la xiriira soo saartay ayaa qeyb kamid ah qoraalkeeda ku tiri:-

Weerarka oo ahaa mid xagga cirka ah ayaa ka dhacay bannaanka tuulada Koban, sida dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay Warkan qoraalka ah ee kasoo baxay.

Dhowr jeer oo hore Ciidamada Mareykanka ee duqeymaha ka geysta Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney dad rayid ah ku dileen duqeymaha ay fuliyaan, wallow qaar kamid ahba ay qirteen.