Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka oo Sheegtey In Doorashada Aysan Dib u Dhici Doonin

0
47

War kooban oo lagusoo qoray baraha arrimaha bulshada ee uu adeegsado Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda fadaraalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay been abuur warar la shaaciyay oo sheegayay in guddiga uu qorsheynayo ku dhawaaqista in dib loo dhigayo doorashada Waddanka, sababa la xiriira cudurka saf -marka ah ee COVID-19.

Qoraalka oo lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Facebook-ga guddiga ayaa lagu yiri:-

“Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn”.

Warbaahinta qaar iyo dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa saacadihii lasoo dhaafay qoray in guddiga uu ku dhawaaqi doono arrinta ah in dib loo dhigay doorashada Soomaaliya , taas oo hadda u muuqata in la beeniyay.

Soomaaliya waxaa dabayaaqada sanadkaan 2020-ka iyo bilowga sanadka 2021-ka la filayaa in la qabto doorashada baarlamaannada iyo tan madaxtinimada,balse lama oga’ sida ay arrintaas u dhaqan-geli doonto