Kenya oo Baareysa Xiriir Ay Sheegtey Inuu U Dhexeeyo Alshabab iyo Hay’ada Sirdoonka Somaliya NISA

0
77

Sida lagu daabacay Website-ka waregsyka the standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi, dowladda Kenya ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso wada shaqeyn la sheegay iney leeyihiin hay’adda mukhaabaraadka iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wargeyska ayaa waxa uu yiri “Warbixin lagu kalsoonaan karo ee uu arkay The standard ayaa muujineysa jiritaanka xiriir ay leeyihiin NISA iyo Al-shabaab taas oo ka dhan ah Ciidamada howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya”.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu qoray in xubno sirdoonka Soomaaliya ka tirsan oo ay laammaha ammaanka Kenya ay tababareen iney Al-shabaab siiyeen xog, taasoo u sahashay howl-gallo ay fuliyeen.

Sidoo kale sargaal sare oo NISA ah oo aan warbixinta the Standard lagu dhex magacaabin ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir joogta la sameeyo Al-shabaab, isagoo mararka qaar siiya taageera dhaqaale iyo agab .

Warkaan oo sidoo kale qaar kamid ah Wargeysyada kale ee Kenya ay qoraan ayaa la ogeyn sida uu sax u yahay, mana jiraan war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda mukhaabaraadka qaranka Soomaaliya.