Xukuumada Federaalka Somaliya oo Beesha Caalamka Ka Codsatey In Laga Caawiyo La Dagaalanka Cudurka Corono viruska

0
149

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo xalay ka hadlay dhibaatada uu COVID-19 ku hayo dalka iyo sida looga badbaadi karo ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka.

Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay. Badqabka bulshada iyo Badbaadintooduba maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. Inaad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Khayre.

Khayre ayaa caddeeyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Isagoo sii hadlaya ayuu caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.