Dowlada Federaalka oo Ka Jawaabtey Eedeyntii NISA Loosoo Jeediyey ee Ahayd Inay La Shaqeyso Alshabab

0
103

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa looga hadlay wararka aay tabisay warbaahinta Kenya islamarkaana aay soo xigteen warbaahinta Soomaalida oo ku aadanaa xariir dhexmaray hay’ada nabadsugida Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab.

Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku cadeeysay cabasho weeyn oo ay ka qabto wararka been abuurka ah iyo marin-habaabinta ah oo aay daabaceen labada wargeeys ee kasoo baxa Kenya The Star iyo Standard Media.

Wasaarada ayaa sidoo kale qoraalkeeda lagu cadeeyay in NISA aay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab islamarkaana aay dambi u aragto wararka ceebeeynta ah ee dhex wareegayo baraha bulshada kuwaas oo ah isku day lagu doonayo in hoos loodhigo hay’ada.