Xildhibaan Adan Xasan oo Maanta Ku Geeryoodey Magalada Muqdisho

0
89

Allaha U Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Xasan Cali oo loo yaqaannay (Aadan Moobileen), oo kamid ahaa golaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Mudanaha oo u aad xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa hayay xanuunka macaanka, halka sidoo kale uu ka xanuunsanayay killiyaha.

Allaha u raxmadee Xildhibaan Aadan Moobileen ayaa sidoo kale kamid ahaa guddiga maaliyadda ee Baarlamanka.

Dhowaan ayeey aheyd markii warbaahinta ay kasoo muuqdeen Xildhibaanno uu ku jiro Mahad Cabdalle Cawad oo meshiinka killiyaha lagu dhaqo ka qaadaya Cisbitaalkii Ex-digfeer, iyagoo u wada Cisbitaal kale oo uu xildhibaanka maanta geeriyooday ku xanuunsanayay.