Maamulka Somaliland oo Ka Warbixiyey Cudurka Coroviruska

0
104

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay soo bandhigeyso natiijadda kasoo baxday 11 qof oo ay ka baartay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaraddaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in in dheecaanada dadkaas ay u direen dibadda, wallow uusan magacaabin waddanka.

Dhinaca kale, Xergeeye ayaa tilmaamay in tan iyo markii uu dilaacay Covid-19 ay baareen laba kun oo qof, kuwaas oo kasoo gudbay xuduudka iyo 150 qof oo garoomada diyaaradaha ay ku qabteen.

Isagoo hadalkiisa siita, agaasimaha ayaa xusay in ay gobolada u diri doonan xirfadlayaal soo hubiya hadii ay jiraan kiisas qarsoon oo bulshadda dhexdeeda ah, maadaama warar noocaas ay jiraan.

Somaliland ayaa horey u sheegatay shan xaaladood oo Coronavirus ah. Waxaa laga soo kala wariyey magaalooyinka Booroma, Berbera Burco iyo caasimada Hargeysa. Cabsida laga qabo in ay kordhaan way sareysaa.