Ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen deegaannada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ee duleedka Kismaayo, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen in Xubnihii Al-Shabaan ay isaga baxeen deegaanadaas.
Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbaland ka howl gala Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in Ciidamada ay gudanayaan waajibaadkii saarnaa, isla markaana ay ku sugan yihiin deegaannnadii ay kala wareegen alshabab.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Shacabka ee ku sugan deegaannada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ee duleedka Kismaayo ay ahaayeen kuwo qabey dhibaatooyin kala duwan, balse Ciidamada ay ka dul qaadeen sida uu hadalka u dhigay.