Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo Xabsiga Dhigey Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh

0
111

Ciidamada maamulka Cabdicasiis Laftagareen ayaa gelinkii dambe ee shaley xabsiga dhigey Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo wakiil u ah idaacda VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Ciidamada ayaa la sheegay in wariyahaan ay ka qabteen bartamaha magaalada Baydhabo islamarkaana ay u dhaadhiciyeeen xabsiga magaalada.

Xariga wariyahan ayaa waxaa uu salka ku heysaa kadib kolkii uu usoo gudbiyey idaacada VOA war ku saabsaan gabdho lagu kufsadey wadada isku xirta degmada walaweyn iyo magalada buurhakaba.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixintii loo xiray wariye Muktaar Maxamed Catoosh.

Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka Cabdicasiis Laftagreen ayaad moodaa in uu raali ka yahay kufsiga ka dhacaya wadooyinka isku xira gobolka shabelaha hoose iyo gobolka baay.

Dhowr kufsi ayaa ka dhacay gobolka shabelaha hoose maalmihii lasoo dhaafey taasoo aysan weli ka hadlin maamulka, Waxaase nasiib daro ah markii ugu horeysey ee warbaahita loo soo gudbiyeyna in la xiro ruuxii soo gudbiyey.