Dhegeyso: Wasiirka Afka Maxaaga ee Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo Is hortaag Ku Sameeyey Radio Ku Hadla Afka Reer Baraawe

0
219

Maamulka uu horjoogaha ka yahay Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa is hortaag ku sameeyey radio ku hadla afka reer baraawe oo dhawaan laga hirgeliyey magalada baraawe.

Wasiirka Afka Maxaaga ee maamulka Cabdicasiis Lafta Gereen, Ugaas Xasan oo la hadlayey warbaahinta magalada muqdisho ayaa sheegay in dastuurka uusan ku qorneyn in dalka looga hadlo af aan aheyn afka maxaaga iyo kan mayga taasoo uu fahankiisa yahay in afafka kale ay mamnuuc yihiin.

Ugaaska Xasan oo maamulka koonfur galbeed u qaabilsan inuu afka maxaaga ku qaracracleeyo isaga oo aan u meel dayan ayaad moodaa in uusan weli si fiican u fahansaneyn qaab qoraalka dastuurka federaalka somaliya.

Sida ku qoran dastuurka federaalka somaliya waa Afsomaaliga waa Maxaa iyo Maay .Balse ma jirto dastuurka meel ay kaga qoran tahay labadaa lahjad mid ka baxsan laguma hadli karo.

Halkan hoose ka dhegeysta wasiirka afka maxaaga ee maamulka koonfur galbeed oo ka hadlaya aratidiisa ku aadan afka reer barawaha iyo waxa uu ka kooban yahay.