
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay Xariga Wariye u xiran Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo sababta loo xiray.
War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab, islamarkaana uu qeyb ka ahaa fal dil ah oo 6/3/2019 ka dhacay degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.
