Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Dowlada oo Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
144

Banaanbax looga soo horjeedo dil xalay degmada Boondheere loogu geystay labo ruux ayaa mar kale Saaka ka bilowday Isgoyska Jubba Magaalada Muqdisho.

Dadweyne Careysan ayaa isku soo baxay Wadooyinka, waxaan ay wataan taayaro, sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ayay ka dalbanayaan in ay Cadaalad helaan Muwaadiniintii xalay lagu dilay Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askari dad shacab ah xalay ku dilay Magaalada Muqdisho.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan 24 jir.

Waxaa loo heysta dilka labadda ruux ee kala ah:

1-Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere,

2-Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere.