Bandowgii Saarnaa Magalada Muqdisho Xiliyada Habeenkii oo La Qafiifiyey

0
125

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xilii laga qaaday taliyaha booliska ee Degmada Boondheere , halkaas oo ay xalay askari ka tirsan booliska uu ku dilay laba qof oo rayid ah.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in saacad dib loo dhigay bandowgii saarnaa caasimadda Soomaaliya, habeenkii, islamarkaana uu bilaaban doono sideedda fiidnimo (8:00PM), halka uu horay u ahaa todobada fiidnimo (7:00pm).

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uusan bandowga qaban doonin dadka waddooyinka socda, goobaha caafimaadka iyo dadka wax iibsanaya , sidoo kale dadka hor fadhiya guryahooda ayuusan saameyn doonin bandowga saran xilliyada habeenkii ah caasimadda Soomaaliya .

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib kalkii habeenkii xaley dad guryahooda hortaagan ay rasaas ku fureen ciidanka boliska degmada boondheere halkaaoo ay ku dileen laba shaqsi oo aan waxba galabsan caro badana dhalisay.