Tiro hoobiyeyaal ah ayaa waxaa ay saaka kusoo dhaceen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir,kuwaas oo la sheegay inay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dad halka ay hoobiyeyaasha ku dheceen ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Xero Geella lagu Xareeyo oo ku taalla Xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir iyo Guri ay deganaayeen dad Shacab ah oo ku yaalla meel u dhow Xarunta Dugsiga Tababarka Janeraal dhegabadan ee Ex Jaziira.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoobiye ku dhacay agagaarka Koontoroolka Ciidanka Dowladda ee Xalane ee degmada Wadajir ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo isku qoys ahaa halka Islaan da’aheyd ay ku geeriyootay Xerada Geella.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi hoobiyeyaasha ah,iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Xerada Ciidamada AMISOM ugu weyn ee Xalane,iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya weli ka hadlin.