Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyaa oo shalay galab xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ayaa waxaa durba magacaabay taliye cusub oo xilka kala wareegi doono taliyahii hore.
Taliyaha cusub ee loo magacaabay Boondheere ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhamme Cabdi Shiikh Ciise, wuxuuna durba la wareegay shaqadii degmada oo usii socoto sidii caadiga aheyd.
Sababta xilka looga qaaday Taliyihii hore ayaa lagu sheegay dilkii uu Askari ka tirsan Booliska degmada uu u geystay laba qof oo Shacab ah, oo midi ay aheyd Haweeney umul aheyd.
Cabashada ka timid shacabkaas careysan ayaa keentay in xilkii laga qaado Taliyihii Booliska ee Degmada Boondheere halka xabsiga loo taxaabay askarigii dilka geystay iyadoo la filayo in maalmaha soo socdo uu kasoo muuqdo maxkamad.