Turkiga oo Muwaadiniintiisa Kala Baxay Somaliya

0
86

Dawladda Turkiga ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya kala baxday sababa la xidhiidha walaaca faafitaanka cudurka Coronavirus awgiis. Bixitaankaan ayaa ah amar ka yimid madaxweynaha dalkaas.

Muwaadiniinta uu Turkigu kala baxay Soomaaliya, ayaa isugu jiray shaqaalihii ka howlgalayay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho iyo kuwo kale oo u shaqeeynayay shirkaddaha Turkiga ee qandaraasyada horumarineed ka wada Soomaaliya.

Shaqaalahaan waxaa lagu daabulay diyaarad qaas ah oo madaxweynaha dalkaas uu usoo diray magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Turkiga ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka cudurka Coronavirus.