Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay habeenkii xalay 9 bukaan ugu geeriyoodeen cudurka Coronavirus gudaha magaalada Muqdisho.
Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay bukaanada geeriyooday inay u badan yihiin kuwa isbitaalka Martiini la geeyay iyagoo garaab ah oo lagasoo qaaday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay.
Warbixinta wasaaradda waxaa lagu xusay in haddii dadkaas la keeni lahaa waqti muhiim ah isbitaalka Martiini in la badbaadin karay, balse ay tahay nasiib darro markii isbitaalada gaarka ah wax looga qaban waayay in loola soo cararo isbitaalka Martiini.
Waa tiradii ugu badnayd ee 24 saac gudaheed ugu geeriyoota cudurka Coronavirus, waxaana tirada guud ee dhimashada cudurka ay maraysaa in ka badan 30 ruux.