
Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ku toogteen Saddex Ruux oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala Shaqeeyeen duqeymo uu la beegsaday Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.
Saddexda Ruux oo ay toogteen Al-Shabaab ayaa isugu jiray laba Dhalinyaro ah iyo Nin Oday ahaa, kuwaas oo lagu kala Magacaabi jirey.
1: Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ahaa, kaasoo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
2: Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 sana jir ahaa oo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
3: Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 sana jir ahaa, waxaana ay sheegeen in uu la Shaqeynayay Diyaaradaha duqeymaha fuliya ee Mareykanka iyo Maamulka Hir-Shabeelle.
Ma aha markii ugu horeysey oo ay alshabaab meel fagaao ah ay sidan oo kale dad ugu toogato ayagoo ku eedeynaya inay la shaqeeyaan dowlada ama ciidamada mareykanka.