Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo Sheekh Daahir oo labaduba kamid ahaa xubnihii isbaheysiga isbadaldoonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska ku gaaray Nairbi ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Imaatinka wafdiga kadib waxa ay warbaahinta kula hadleen qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa ka warbixiyay heshiiskii ay magaalada Nairobi ku gaareen isbaheysigii isbadaldoonka Jubbaland, isagoo sheegay in heshiiskaasi uu guul kusoo dhamaaday.
Waxa uu xusay in heshiiska ka dhacay Nairobi uu dhexmaray dowlad goboleedka Jubbaland iyo siyaasiyiintii dhaliilsanaa doorashadii bishii August ee sanadkii hore ka dhacday Kismaayo, waxa uuna sheegay in ay ka go’antahay dhameystirka waxyaabaha dhiman.