Ciidamada Kenya iyo Alshabab oo Ku Dagaalamay Degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose

0
216

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Hoosingow ee gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen ciidamada dalka kenya iyo kooxda ashabab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal saac oo dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama Ciidamada Kenya aysan ogoleyn in loo dhawaado Saldhigooda.

Maamulka deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiisha Ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, waxaana bil gudaheed uu yahay dagaalkii labaad ee ka dhaca Saldhiga Ciidamada Kenya ee Hoosingoow.