Maamulka Puntland oo Ka Hadlay Xaalada Deegaanada Qardho

0
154

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka warbixisay howlaha gurmadka ah ee loo sameynayo dadkii ka barakacay iyo kuwii ku hanti beelay roobabkii daadadka watay ee 27-kii Bishaan ka da’ay Magaalada Khardho oo ka tirsan Gobolka Bari.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa marka hore waxaa loogu tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey daadadka ku rogmaday Magaalada Khardho, sidoo kalena lagu sheegay in la Magacaabey Guddiyo dhowr ah oo gurmadyo kala duwan gaarsiiya Magaalada Khardho,isla markaana guddiyadaas ay qabteen Shaqooyin farabadan.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Hay’adaha Caalamiga ah ay sameeyeen qiimeynta khasaarihii daadadku geysteen.