
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda xanuunka COVID-19 iyo Soomaaliya, waxa uusoo jeediyay in ay bulshada muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeriya.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaaliya marka loo eego dadka laga helayo xanuunkan ay ugu horreyso dalalka ku yaalla gobolka geeska Afrika sida waddamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee dowladda iyo dhakhaatiirtu bixinayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in faaqidaad dheer oo ay ku sameysay aragtida dadka iyo Coronavirus ay usoo baxday in badi dadku ay xanuunkaan ka qaadeen cabsi lamid ah cudurka HIV/AIDS sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna ka codsaday in la xirto agabka wejiga gaar ahaan sanka iyo Afka lagu xirto (Mask).
Dhinaca kale wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed u aqoonsantahay maanta ciddii dhimato in ay u geeriyootay xanuunka COVID-19.