
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga waxay ku eedaysay Imaaraadka inay taageerayso kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya, iyo sidoo kale himilada gooni goosadka ah ee Golaha Ku-meelgaarka ee Koonfurta Yemen.
Jawaabta Ankara waxay timid iyadoo laga jawaabayo hadal uu Abu Dhabi sii daayay Khamiista hore isagoo ku eedeeyay Turkiga inuu faragelin ku hayo arrimaha carbeed ee Liibiya isagoo adeegsanaya argaggixiso.
In kasta oo Ankara ay ku celcelisay taageeradeeda iyo ixtiraamkeeda dhuleed iyo siyaasadeed ee waddammada carabta, waxay sidoo kale ku dooday in Imaaraadku isku dayayo inuu daboolo taageeradiisa shirqoolada afgambiga.
Bayaanka Turkiga wuxuu ahaa mid si gaar ah xusid mudan iyadoo loo addeegsaday luuqad adag. Turkigu wuxuu sheegay in Imaaraadku uu carqaladeynaayo dadaalada nabadeed ee aan ka aheyn Liibiya oo keliya, laakiin sidoo kale Yemen, Syria iyo geeska Afrika.
Bayaanka ayaa lagu sheegay, in taageerada ay siiso UAE kooxaha argagixisada, gaar ahaan al-Shabab iyo howlaha gooni u goosadnimada ah ee ka socda Yemen in aysan ahayn wax sir ah.