
Xafiiska Hanti-Dhawrka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu baarayo musuq-maasuq xooggan oo la sheegay inuu ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, sida ku xusan dokumenti kasoo baxay xafiiska.
Dokumentigan ayaa waxaa lagu sheegay in horey loo xiray agaasimihii Guud iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka, islamarkaana baaritaan lagu hayo dhowr qof oo kale.
Eedeymaha musuq-maasuqa la xiriira ayaa waxaa ka mid ah qalab caafimaad oo loogu deeqay wasaaradda oo lasoo iibiyey ayada oo si shakhsi ah looga faa’iideysanayo.
Qoraalka xafiiska hanti-dhowrka ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan warqado, dokumentiyo, tikityo iyo rasiityo la qabtay oo muujinaya inay yihiin kuwa ka yimid shirkado la sheegay inay adeegyo u qabteen wasaaradda ama qalab caafimaad ka iibiyeen.
Waxaa la ogaaday in lacagaha la siiyey shirkadaha iyo warqadaha qaan-sheegadka aysan is-waafqsaneyn, islamarkaana lacagta qaar la siiyey shirkado iyo shakhsiyaad gaar ah, ayada oo ay ka faa’’ideysanayaan xubno ka tirsan wasaaradda.

