
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlaayay munaasabad looga hadlay Covid19 ayaa sheegay in maamulku uu diiwaan galiyay dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maalin walba aay geeriyoodaan 30 qof.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aay sameeyeen tira koob ku aadan dadka ku dhinta Muqdisho, waxaana uu xaqiijiyay in 19-kii bishii hore ilaa hada ladiiwaan galiyay 500 oo qof oo ku dhintay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa hadalkiisa intaas kudaray inaay wadaan wacyigalin ku saabsan Covid19, waxaana uu dadka ugu baaqay inaay qaataan talooyinka caafimaadka.
Covid19 ayaa la’aaminsan yahay in si hoose uu ugu faafay dadka Soomaaliyeed. Dowlada ayaanan weli awood badan u lahaayn inaay xakameeyso faafista Covid19.