Maamulka Puntland oo Sheegay In Aysan Jirin WaxDeeq ah oo Uga Timid Dhinaca Dowlada Dhexe

0
49

Maamulka Puntland ayaa beeniyay in diyaarado ka socda dowladda Soomaaliya oo sidda gargaar in ay ka degeen Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland si loogu gargaaro Shacabka degmada Qardho.

Puntland waxa ay beenisay in gargaarka ay siddaan diyaaradahaasi ay ka yimaadeen dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana waxa ay sheegtay in Hay’addaha Qaramada Midoobey ay Puntland u soo direen diyaaradaha.

Maxamed C/raxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland sheegay in gargaarkan uu uga yimid dhanka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, balse uusan uga imaan dowladda dhexe.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay markii wafdi Wasiiro oo ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo markii ay ka dageen Garowe ayaa sheegay in deeqdan ay soo dirtay dowladda Soomaaliya, kuwa kalena ay soo wado.