
Nicholas Berlanga Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta xaqiijiyay Saddex ruux oo ka mid ah Xafiiskiisa laga helay Corona Virus, islamarkaana hada ay la tacaalayaan Shaqaallaha Caafimaadka ee ku sugan Xalane.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in la karantiilo dhammaan dadkii ay la kulmeen ama ay la xiriireen.
Askari ka tirsan ciidamada AMISOM una dhashay dalka Uganda oo ku sugan Xerada Xalane ayaa sidoo kale dhawaan laga helay Covid 19.
Shaqaallaha iyo Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Xerada Xalane ayaa waxaa soo foodsaartay Cabsi ku aadan Cudurka Corona Virus, maadaama uu si weyn Xeraddaasi Ammaankeeda loo ilaaliyo.