Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka oo Ka Hor Yimid Hadal uu Shalay Jeediyey Wasiirka Warfaafinta

0
87

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu si aad ah ugu faafayo guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Siciid C/llaahi oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray Wasiir Maareeye ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan sidaas u dhigeyn warka,islamarkaana waxa kaliya uu xaqiijin karo ay tahay in si aad ah cudurka ugu faafayo Bulshada dhexdeeda.

Wuxuu sheegay in dadaal xooggan ay ku bixinayaan sidii looga hortagi lahaa ama lagu yareyn lahaa cudurkaas,isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney qaataan talooyinka la xiriira caafimaadka si Bulshada iyo naftooda u badbaadiyaan.

Wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo ka hadlayay Caabuqa carona Virus ayaa sheegay in dowladda federaalka qof kasta oo ku dhinta dalka ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus.