Magalada Kismaanyo oo Maanta La Geeyey Dawooyin iyo Qalab Caafimaad

0
60

Mas’uuliyiin ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga oo ay garoonka kuso dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa intii magaalada ay joogaan waxey booqan doonaan isbitaalo gaar ah oo maamulka Jubbaland uu u diyaariyay in lagu karantiilo dadka uu so rito caabuqaa Covid 19.

Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus.