Reysulwasaare Kheyre oo Kulan La Qaatey Gudiga u Qaabilsan Cudurka Corono Viruska

0
71

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka guddiga xakameynta cudurka faafa ee Covid-19, kaasoo habeen weliba la qabto.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sida ay u socdaan dadaallada lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ku aadan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo fataahadaha ay sameeyeen wabiyada.

Khayre ayaa faray xubnaha guddiga in la’isku dhinac wado xakameynta cudurka Covid-19 iyo gurmadka la gaarsiinayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa amray in la dadajiyo dadaalada loogu gurmanayo dadka taabaaleysan, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.