
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad galabta ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay, taasi oo dhalisay khasaare nafeed.
Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo saarnayd diyaardda, oo sidday xamuul kadib markii ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale, sida ay uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Diyaaraddan ayaa waxaa la sheegay inay lahayd shirkadda diyaaradaha African Express, islamarkaana ay daawooyin u sidey magaalada Bardaale, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan shirkadda.
Diyaaradda ayaa la sheegayaa in ay ka kacday magaalada Muqdisho iyadoo sii martay magaalada Baydhaba kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale.
Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in diyaaradaasi ay soo rideen ciidamada itoobiyaanka ee halkaasi ku sugnaa markii la weydiiyeyna ay sheegeen in aanlagu soo wargelin in ay diyaard halkaasi usoo soco, waow aysan maamulka koonfue galbeed aysan weli ka hadlin arintaas.