
Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaado horleh ka sameeyey tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo qaarkood dadkii deganaa ay isaga barakacaan.
Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay oo dhamaantood hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle kuna yaalla Jiinka Wabiga ayaa waxaa ay kala yihiin, Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali.
Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhawaan waxaa ay booqdeen tuulooyinka qaar ee uu Wabiga ka fatahay ,iyaga oo ku baaqay in dadka iyo Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle looga baahan yahay inay ka hortagaan fatahaada Wabiga.
Tuulooyin kale oo hoostaga Magaalada Jowhar ayaa laga cabsi qabaa in uu Wabiga ka fataho,waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay wafdi ainjineero ah u dirtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.