
War kasoo baxay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey inay aad uga xun yihiin diyaaradii dhawaan ku burburtay degmada Bardaale ee Gobolka Baay oo ay ku geeriyoodeen lix ruux oo kala ah Afar Kenyan ah iyo laba Soomaali ah.
Warka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dadaal kasta ay ku bixin doonaan sidii loo cadeyn lahaa sababta ka dambeysa inay diyaaradaasi oo waday Agab samaras ay burburto.
Dhinaca kale Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyey Go’aankii dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku Aadan baaritaanka sidii lagu ogaan lahaa sababta ay ugu burburtay Diyaaradda African Airways degmada Bardaale.
Waxaa uu sheegay Danjire Danjire Francisco inay si dhow ula Shaqeyn doonaan dowladaha Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya si ay u fududaadaan howlaha baaritaanka ah.