Xildhibaan Laga Soo Doorto Xaafada Islii oo Ka Horyimid Xayiraada Lagu Soo Rogey Suuqa Islii

0
102

Xildhibaanka Kamakunji oo ah xaafad ka tirsan Islii Yuusuf Xasan ayaa si adag uga jawaabay Go’aanka kasoo baxay Kenya ee xayiraada lagu saaray Xaafadda Islii.

Wuxuu ku tilmaamay eex inuu yahay go’aankaas. “Kumannaan qof oo kale ayaa halkaas u shaqo taga ama ka dukaameysta.

Wasiirka Caafimadka ee dalka Kenya ayaa xayiraad guud ku soo rogay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qayb ka mid ah magaalada Mombasa.

Labadaas goobood ayaa laga helay kiisas badan oo cudurka Coronavirus ah. Yuusuf Xasan, oo ah xildhibaanka degmada Kamukunji oo ay ka tirsan tahay xaafadda islii oo go’aanka diidan.