Amisom oo Sheegtey In Ciidamada Itoobiyaanka Ay soo Rideen Diyaaradii Ku Dhacdey Degmada Berdaale

0
81

Warqad kasoo baxday taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM uusan wax lug ah ku laheyn diyaaradii gargaarka siday ee dhawaan lagu soo riday degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Warqad loo diray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay soo rideen Ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo ku sugan degmada Bardaale ka dib markii ay dareemeen cabsi ku aadan in diyaaradda ay beegsato Saldhigooda.

Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan.

AMISOM waxa ay cadeysay in diyaaraddaasi la toogtay falkaasna ay ka dambeeyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Bardaale.