Safiirka Mareykanka u Fadhiya Somaliya oo Sheegay In Beesha Caalamka Ay Somaliya Ugu Deeqi Doonto Lacag Dhan 16 Milyan

0
90

Beesha caalamka ayaa ka hadashay dhaqaale Soomaaliya loogu yaboohayo oo gaaraya 16 milyan oo doollar, lacagtaas oo qaar kamid ah loogu tala-galay la dagaallanka xanuunka COVID-19 sida uu sheegay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto .

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay khadka Online-ka ah Khamiistii shalay ayaa waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay bixinteeda iska kaashan doonaan beesha caalamka sidii Soomaaliya ay awood ugu heli laheyd maareynta xanuunka Coronavirus.

Danjire Yamamoto ayaa intaa ku daray in kaalmadaan ay noqon doonto mid leh laba weji , waatan koowaade in Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallanto xanuunka COVID-19 iyo wejiga labaad oo ah in lagu xoojiyo miisaaniyadda dalka maadaama saameyn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunkan.

Waxa uu sidoo kale qeexay in dowladda Mareykanka Soomaaliya ay ku garab istaageyso fududeynta lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay Waddanka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada beesha Caalamka iyo Bankiga adduunka iyo hay’adda Lacagta dunida ee IMF.