Gudoomiyaha Degmada Luuq oo Sheegay In Webiga uu ku Fatahay Qeybo Ka Mid ah Gobolka Gedo

0
298

Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yaalla Webiga hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan.

Towfiiq oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yaallay Webiga hareerahiisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga.

Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba.