Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne.
Kheyre ayaa amarkan bixiyey kadib markii xalay uu warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay.
Warka kasoo baxay Kheyre ayaa yimid kadib markii guddiga gurmadka Beledweyne ay shaaca ka qaadeen in xukuumadda aysan bixin lacag dhan 500 oo kun oo dollar oo sanadkii hore ay ballan-qaaday, sidoo kalena aysan wax kaalin ah ku lahayn dadallada hadda socda.
Ma cadda in amarkan xalay kasoo baxay Kheyre uu sidoo kale noqon doono mid la mid ah kii hore, oo ku kooban afka un, wuxuuna yimid maalmo cadaadis iyo cambaareyn xooggan ay la kulantay dowladda.