Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay soo gaareen lacagihii dowladda Soomaaliya u ballanqaaday gurmadka Magaalada Beledweyne Sanad ka hor.
Waxaa uu sheegay in lacagtaan looga qeyb qaadan doono sidii biyaha looga xiri lahaa Magaalada.
Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay in ay si isxilqaan ah isaga xiraan biyaha ka dib markii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele ay ku fashilmeen.
Lacagtan maanta gaartey maaaamulkahirshabeele ayaa xukuumada waxaa ay balan qaaday mudo haatan laga joogo sanad taasoo aan la garan sababta keenta in ay sidaasi uga raagto dadkii loogu tala galay