Maamulka Cisbitaal Martiini oo Sheegay in 42 Ruux oo Ka Bogsootay Cudurka Covit 19 ay Ka Baxeen Cisbitaalka

0
53

Maamulka Isbitaalka u gaarka ah la tacaalidda safmarka COVID19 ee Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo isbitaalka ay kasoo baxeen. 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8da kale ay dhidig ahaayeen.

Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, kadibna lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsiga. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sare loo qaaday adeegga caafimaad ee Isbitaalka laguna soo kordhiyay agab casri ah.

Isbitaalka oo lagu sameeyay horumarin ballaaran waxaa ka howl gala dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal isu bedela shaqada oo xilli kasta heegan u ah inay adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin siiyaan dadka xanuunku soo rito ee isbitaalka lasoo gaarsiiyo.

Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday.