Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Jubalad oo Sheegay In Xukuumada Is Hortaag ku Sameysay Mucaawino u Socotay Deegaanada Jubaland

0
71

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulan deg-deg ah oo ay golaha amniga maamulkaasi ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Sayid Aadan ayaa shaaciyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xayirtay, islamarkaana ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortagga xanuunka Covid-19 iyo fatahaadaha ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in dowladda dhexe ay siyaasadeyso gurmad lagu caawinayo shacabka Jubbaland oo ay isku biirsadeen fatahaado iyo Coronavirus.

Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xarigii ay dowladda Soomaaliya u geysatay guddoomiyihii degmada Garbahaarey, Cadow Imaan Kaarshe oo shalay laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Sayid Aadan hoosta ka xariiqay in go’aano culus iyo mowqif cad ay Jubbaland ka qaadatay xiisada kala dhexeysa dowladda, islamarkaana ay maalmaha soo socda la wadaagi doonaan beesha caalamka.