Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19,kaas oo looga hadlay qodobo dhowr ah.
Shirka oo habeen walba qabsooma ayaa waxaa xalay lagu soo bandhigay isbedelka iyo dib-u-habeynta lagu sameeyay isbitaal Martiini oo laga furay Xarun gaar ah oo lagu karantiilo dadka laga helo Cudurka Coronavirus.
Sidoo kale Kulanka waxaa looga hadlay sida ay u socoto iyo heerka uu marayo diyaarinta Martiini 2, si loo ballaariyo adeegga caafimaad ee dalka maadaama Cudurka COVID-19 uu Soomalaiya kusii kordhayo.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si maalinle ah waxaa ay u shaacisaa kiisaska Cusub ee Coronavirus ah oo laga helo Soomaaliya, waxaana ilaa iyo hadda ay diiwaangelisay Wasaaradda 1,219 oo kiis.