Ciidamada dowladda Soomaaliya e ku sugan gobolka Bakool ayaa waxaa ay howlgallo ay kula wareegeen deegaano dhowr oo ka tirsan Gobolka Bakool kasoo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Guutada 9aad ee gobolka Bakool oo howlgalka fulinayay ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan oo ay amniga ku xaqiijinayeen sidoo kalena ay ku doonayeen inay Al-Shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi Bakool.
Taliyaha Ciidamada guutada 9aad qeybta 60aad Muqtaar Maxamed C/llaahi Geeseey ayaa sheegay in Ciidanka ay howlgalka kula wareegeen deegaanka Abaq-geedeey oo qiyaastii 20km dhanka Bari uga beegan Magaalada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool.
Waxaa uu sheegay taliyaha in deegaankaas uu fariisin weyn u ahaa Al-Shabaab,balse Ciidamada ay la wareegeen,iyada oo uusan ka dhicin wax dagaal ah welina ay howlgalka sii wadaan.