Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg la qaatay Culimada iyo imaamyada masaajidada ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, isaga oo kala hadlay dhibaatada ama khatarta Cudurka Cornavirus.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Culimada faray in dhamaan la xiro masaajida ku yaalla guud ahaan deegaannada Maamulka Jubbaland, si looga hortago faafitaanka Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.
Shacabka ku nool deegaannada maamulka goboleedka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaataan talooyinka Caafimaad ee loo soo jeedinayo si ay uga badbaadaan khatarta Cudurka, ilsa markaana ka maamul ahaan ay dadaal farabadan ku bixin doonaan.
Dadka deegaaka ayaan la aqoon sida ay usoo dhaweyl lahaayeen amarka kasoo baxay maamulka jubaland.