Kenya oo Maxkamada Aduunka Ka Codsatey In Dib Loo Dhigo Dacwada Bada

0
76

Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay la gaartay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sanado socdey.

Dawladda Kenya waxay la gaartay ICJ inay raadsato waqti dheeri ah iyada oo ay ugu wacan tahay masiibada ‘Covid-19’ inaanay suurto galin Karin in dacwada la qaado.

Waraaq ay u direen ICJ, qareennada difaaca Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay qirteen inay shaqadooda saameeysay masiibada covid19.

Sida ay sheegayaan wararka, dowladda Soomaaliya ayaa si xoogan uga soo horjeesatay qorshayaasha Kenya ee ah inay dib u dhigto dacwadda badda waxayna ku eedeeysay Kenya inay raadineyso xal ka baxsan maxkamadda.

Saxaafaddu waxay sheegtey in bayaanka ay dowladda Soomaaliya u dirtay ICJ ay ku codsatay in dhageysiga loo qaato qaab muuqaal ah iyadoo la adeegsanayo tikniyoolajiyad casri ah si loo diido cudurdaarka Kenya.