Maamulka Puntland oo Sheegtey Inay Korortey Tirada Dadka Laga Helay Cudurka Covit 19

0
40

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa xaqiijisay in 11 ruux 24kii saac ee lasoo dhaafay laga helay Cudurka Corona Virus degaanada maamulka Puntland.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan kisaska Cudurka Covid 19 ee degaanada maamulka Puntland.

Dadka laga helay waxay kala joogaan 7 Ruux Gobolka Nugaal, 4 ruux waxay joogaan Gobolka Karkaar

Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 136 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux waxaa soo kabtay 3 Ruux.