Xeer Ilaaliyaha Guud oo Sheegay In Lasoo Gabagabeyey Baristii Lagu Sameynayey Xubno Ka Tirsan Wasarada Caafimaadka

0
56

Xeer ilaaliyaha guud Soomaaliya, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo ka dhan ah saraakiil katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu hayo musuqmaasuq dhowaana maxkamad la geyn doono.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan dukumentiyo ay kamid yihiin warqadaha lagu kala qaato lacagaha iyo heshiisyo uu sheegay in loo sameystay in hantida ummadda Soomaaliyeed lagu musuq maasuqo.

Wuxuu sheegay in kiisaskaan loosoo xiray dad ka badan labaatameeyo qof oo ay kamid yihiin agaasimayaal wasaaraddeed, madaxda barnaamijyada ay wado wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. La taliyayaal iyo madaxda shirkaddo gaar loo leeyahay oo la shaqeeya wasaaradda caafimaadka.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in xafiisku xayiraad iyo fatashaad ku sameeyay akoono kala duwan oo ay leeyihiin eedeesanayaasha iyo shirkaddaha lala xiriirinayo musuqa, si xog dheeri ah looga helo akoonada la tuhunsan yahay in lacagaha la lunsaday lagu shubtay.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu caddeeyay inuu soo gabagabeeyay baaris qoto dheer oo lagu sameeyay kiiska musuq maasuqa wasaaradda caafimaadka, wuxununa tilmaamay inuu maxkamada awooda u leh ugudbiyay lagana sugayo inay muddayso dhegaysigiisa.